Waxaa ka dhacay magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka habeenkii Sabtida April 13, 2013 xaflad lagu tageerayo maamul goboleedka ay sameeysanayaan dadka deggan gobollada Jubadda Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Waxaa xafladdan kasoo qabgalay dad boqolaal kor u dhaafay oo ka mid ah jaaliyada ku nool agagarka gobollada Washington, Maryland iyo Virginia. Xafladda oo si habsami ah loo soo agaasimay waxaa furay Abdiqani Haji Hussein Hirad oo si kooban uga hadlay ujeeda xafladan laga leeyahay, wuxuuna u mahad celiyey soona dhoweyey martid ka soo qaybgashey xaflada, kadibna wuxuu mikrofaanka ku soo dhoweeyey Sheikh Khaliif Raabi oo ayaado quran ah akhriyey.
Ka dib casha sharaf loogu talagay dadkii yimid madasha markay dhamaatay ayaa bilaabmay barnaamijkii xaflada. Waxaa la qaaday heesta qarank Somaliya iyo heesta Jubbaland State. Ka dib, waxaa khudbado ku saabsan taarikhda Jubbaland State, laga soo bilaabo qarnigii sagaal iyo tobnaad, u jeediyey ka soo qaybgalayaasha aqooniyahanno u dhashay goboladan iyo qaar ka soo shaqeeyeyba.
Waxaa xaflada xiriiranaya Abdi qani haji Hussein iyo Sahid Mohamed Yusuf. Waxaa ka mid ahaa aqonyahankii ka hadlay xaflada Abirahman Dahir Waamo, Abdi Nasir garjeex, Haji Abdi Hassan, Nabdoon Adulahi Ciid, Iyo Ismail Ali Ismail.











