Xaalada magaalada Beledweyn oo saaka degan, kadib dagaalkii shalay

0
204

Baledweyne(INO)— Xaalada magaalada Beledweyn ayaa saaka degan, kadib dagaal culus oo shalay ka dhacay xaafada Howl-wadaag, kaasoo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo dega galbeedka magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka odayaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa ku howlan, sidii dagaalka loo joojin lahaa, waxaana dadaalada nabadeed horkacay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo Guddi odayaal ah u saaray joojinta colaada.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeya ugu baaqay inay colaada joojiyaan, ayna u turaan shacabka, waxaana dadaalada nabadeed qeyb ka ah odayaasha labada maleeshiyo dagaalamaya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dadaalada lagu joojinayo dagaalka ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyn, inkastoo aanay jirin ciidamo kala dhex galay maleeshiyo beeleedyadii dagaalamayay.

Dagaaladii shalay ka dhacay magaalada ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 10-ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay ay ahaayeen dad rayid ah oo xaafadahooda rasaas wiifto ugu tageen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyn, waxaana dagaalada ku soo noq noqday magaalada ay salka ku hayaan dilal ka dhacay galbeedka magaalada

Idale News Online, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here