Xaalada Caasimada Bujumbura oo Kacsan Iyo Dad Dadan oo Ka Qaxaya

0
216

Bujabura(INO)— Xaalada Caasimadda Bujumbura ee dalka Burundi ayaa aad u kacsan, iyadoo dad badan ay bilaabeen inay ka qaxaan, kadib markii ay sii korortay xasilooni darida ka jirtay magaalada tan iyo bishii April ee sanadkan.

Rabshado iyo dilal kala duwan ayaa magaalada ka dhacayay, waxaana taasi ka dambeysay markii Madaxweynaha talada haya dib loo doortay, waxaana dowladdu ay soo rogtay amar ah in hubka sharci darada ee gacanta ugu jira dadweynaha ay soo wareejiyaan.

Dowladda ayaa waqti kama dambey ah u qabatay dadka heysta hubka inay ku soo wareejiyaan, waxaana ay ku ekeyd habeenimadii xalay.

Wariye ka tirsan BBC-da ayaa soo sheegaya in dad fara badan oo watay alaabo kala duwan ay ka qaxayeen magaalada, iyagoo aadayay goobaha kale ee nabdoon.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay tan iyo markii ay bilowdeen rabshadaha bishii April ay ka barakaceen dalka Burundi in ka badan labo boqol oo kun, kadib markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza mar saddexaad la doortay.

Idale News Online, Bujanbura

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here