Feeryahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay ayaa xaaladiisa caafimaad laga deyrinayaa iyadoo walaalkii uu ka digey in uusan sii noolaan karo maalmo badan.
Rahman Ali oo ah Maxamed Cali Kalaay walaalkii ayaa sheegay in ruugcadaagii horyaalka miisanka culus ee dunida soo maray uusan hadli karin isla markaana uusan miyir lahayn.
Ninkan ay walaalaha yihiin Maxamed Cali Kalaay ayaa ka cabsi qaba in 71jirka xanuunsanaya uusan gaari karin xagaaga soo socda. Rahman ayaa u sheegay The Sun : ‘Xaaladiisa waa ay xun tahay aad ayuu u xanuunsanayaa.
‘Waxa uu gaari karaa maalmo ama bilaba. Ma garanayo in uu gaari karo xagaaga soo socda , balse Ilaah ayay taasi gacantiisa ku jirtaa.’
Maxamed Cali Kalaay waxa haya cudurka la yiraahdo Parkinson sanadkii 1984 balse way wanaagsanayd xaaladiisa caafimaad waxana uu ka soo dhex muuqday sanadki 1996dii
tartankii ciyaaraha Olambikada xilligaa oo uu shiday shumicii bilowga tartanka.
Hase ahaatee xaaladiisa caafimaad ayaysan wanaagsanayn isagoo ahaa mid caato ah isla markaana aan socon karin kaligii tartankii Olambikada ee London 2012 xafladii lagu furayay waxaana kaalmaynayay xaaskiisa Lonnie.
Rahman ayaa ku eedeeyay xaaska Ali Kalaay in ay u diiday in qoyska ay soo booqdaan feeryahanka xanuunsanaya. Waxana uu Rahman oo isaga laftiisa ahaa feeryahan sheegay in markii ugu dambeysay ee uu arko walaalkii ay ahayd bishii July 2012 isla markaana loo oggolaa in uu taleefan kaliya kula hadlo.

Xaalada caafimaad ee Kalaay ayaa sii xumaatay bishii December 2011 markaa oo la dhigay isbitaal isagoo miyir doorsoomay. Maalmo kadib markii uu geeriyooday Joe Frazier oo ahaa feeryahan caan ahaa ayuu xanuunkisu sii kordhay Maxamed Cali Kalaay.
Xaaska Maxamed Cali Kalaay ayaan ka hadlin warkan ku saabsan in xaalada caafimaad ee seygeeda ay marayso meel halis ah,