Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo Magaala madaxda Gobolka Bay ayaa sheegaya in Maalmihii u danbeeyay gudaha magaaladaasi ay ku soo qul qulayeen Ciidamo qaab Qabiil u abaabulan oo gadoodsan.
Ciidamadan oo soo Faaruqiyay Furimihii ay ku sugnaayeen ayaa bilaabay markii ay soo gaareen Gudaha magaaladas falal Carqaladeyn ah iyagoo is hor taag ku sameeyay Lacagihii Cashuuraha ahaa ee laga qaadayay Goobaha Ganacsiga.
Ciidamadan gadoodsan ayaa lagu arkayaa Bartamaha magaalada kuwaasoo si Fowda ah u dhex mushaaxaya Magaalada isla markaana diidaya in la qaado wax Canshuur ah.
Col. Baraako oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Boliiska oo war baahinta la hadlay ayaa arintaa ku macneeyay in halkii la is lahaa Dawlad ayaa dhalatay oo cadaalad baa la helayaa in Cadaaladdii la waayay isla markaana Xukuumaddu ka shaqaysey sidii mar kale Gobolku ay uga bilaabmi lahaayeen qul ulatooyin Siyaasadeed.
Sarkaalkan u hadlay Boliiska Gobolka Bay ayaa sheegay in Qoys keliya la naas nuujinayo taasoo uu sheegay in ay dib ugu laabanayso Nidaamkii qabaliga ahaa oo dib loo soo nooleeyo.
mid ka mid ahaa Barlamaankii ku meel gaarka ahaa oo isaguna hadlay ayaa ka digay dagaalo isku dhac ah oo dib uga bilowda magaalada Baydhabo isla markaana Magaaladu yeelato Khad Cagaaran.
xubnhan ka hadlay Xaaladaha kacsanaan ee Magaalada Baydhabo ka jirta ayaa ka digay in Maamul Cusub oo la keeno halkaas uusan waxba soo kordhinayn laakiin ay haboon tahay in Maamulkii ka jiray Magaalada habkiisii hore loo dhaafo illaa Doorasho mar kale la gaaro.
ugu danbayntiina wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in halkasi ay ka jirto xaalad Kacsanaan ah oo suurta gal ay tahay in mar kale isku dhac uu halkaa ku dhex maro maamulka Cusub ee dhawaan halkaa loo magacabay iyo maamulkii hore ee xilka laga qaaday oo isaguna weli ku sii adkaysanaya inuu yahay Maamulka xaqa ah ee halkaa ka jira.
Idale News Muqdisho