Iyadoo maalinimadii Shalay Degaanka Buulo gaduud oo ka tirsan Gobolka Jubada hoose uu dagaal ku dhex maray Ciidamada dawladda iyo kuwa Xarakada shabaab ayaa wararka saka halkaa naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in ay Deggan tahay isla markaana Ciidamadu ay gacanta ku hayaan Kontoroolka Degaankaas.
Dagaal Xooggan oo Maalinimadii Shalay ka Dhacay degaankaas ayaa inta la ogyahay waxa uu sababay Khasaare soo kala gaaray labadii dhinac ee dirirtu u dhaxaysey.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dawladda oo goor sii horeysey hadlay ayaa sheegay in Degaankaa Buulo Gaduud ay ka Difaaceen isku deygii Xarakada Shabaab ee ahaa in ay Xajistaan gacan ku haynta Degaankaas ka gadaal markii Ciidamada dawladda oo Kaashanaya kuwa amisom ay duulaan ku soo qaadeen Degaankaas oo magaalada Kismaayo illaa Soddon Kiilo Mitir u jrta.
Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in gebi ahaanba Degaanka Buulo gaduud ay gacantooda ku jirto isla markaana aysan u suurta galeyn Shabaab in mar danbe ay halkaas dib ugu soo laabteen waa sida ay hadalka u dhigeenee.
Dadaka degaanka ayaa sheegay in dagaalkii Shalay ka sokow dhinacyadii dagaalamayay in Dhaawacyo ay ka soo gaareen qaar ka mid ah Dadka rayidka kuwaasooqaarkood Dhaawacyadooda loo qaaday Magaalada Muqdisho.
wararkii u danbeeyay ee naga soo gaaraya degaankaas ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dawladda iyo kuwa amisom oo maalinimadii shalay la wareegay degaankaas in ay fariisimo ka sameyteen daafaha magaalada.
Si kastaba ma aha markii u horeeyay ee Ciidamada dawladda iyo kuwa xarakada Shabaab ay ku dagaalamaan gudaha Degaankaas iyadoo Todobaadyo ka horna ay Ciidamada dawladda sidan oo kale ula wareegeen degaankaas ha yeeshee ay dib isaga baxeen.