Baydhabo(INO)- Magaaladda Baydhabo waxaa maanta ka bilaabatay Wajiga 3aad ee doorashooyinka Aqalka Hoose ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu dooranay 20 xildhibaan ee dambeeya ee doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed u matalaya.
Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad goboleedka ee Koonfur galbeed ayaa sheegay in todobaadkan gudihiisa ay soo gabo gabeyn doonaan guud ahaan doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee dalka.
“Waxaan ku guuleysanay doorashada 49 kursi oo ka mid ah kuraasta aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed ku soo aaday, kuwaasi oo iminka inoo harsanyihiin 20 kursi, waxaana rajeyneynaa in Ilaa iyo Taladaada ay noo soo dhamaato doorashada” ayuu yiri Sayid Ibraahim oo ah xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleed.
Doorashada maanta ka bilaabanaysa magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in lagu soo doorto 8 xubnood oo ay ku tartamayaan in ka badan 20 murashax, waxaana si aad ah loo adkeeyay amniga magaalada, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan Al-Shabaab.