Weeraro dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay ka kala dhacay magaalooyinka Mombasa iyo Gaarisa

0
215

Wararka ka imaanaya magaalada xeebta ku taal ee Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay rabshado dhex mareen Ciidamada ammaanka iyo Kooxo Dabley ah oo weeraray ciidamada.

Ilaa 10-ruux ayaa ku dhimatay oo 5-ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada booliska, waxaana weerarkan uu ka dhacay Xaafadaha Waqooyi ee Mombasa.

Ma jirto faah faahin ku aadan weerarki xalay, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka xalay dhacay laga maqlayay xaafadaha Mombasa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in koox lagu magacaabo MRC ay sheegtay inay qaadici doonto doorashada.

mombasa

Dhinaca kale dabley Hubeysan ayaa xalay weeraray gaari uu leeyahay mid ka mid ah musharaxiinta ODM magaalada Gaarisa, waxaana rasaas lagu furay gaariga ku dhintay nin darawal ahaa, halka haweeney dhaqtarad aheyd ku dhaawacantay.

Xaalada guud ee Kenya ayaa ah mid degan saaka, waxaana dadka ay u dareereen doorashada madaxtinimada dalkaas.

Idale News Muqdisho