Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay weerar hoobiyaal loo adeegsadey xalay ku qaaday Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ku suganyihin Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa shegay xalay saqdii dhexe inay ka war heleen Weerar xoogan oo Kooxda Al-shabaab kusoo qaadeen Magaalada, wuxuuna xusay daryanka hubka culus ee gamayan dagaalyahanada Alshabaab in laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee Degmada Afmadow.
Inta la ogyahay 5ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay kuwaasoo madaafiicdu ugu tagtay xaafadahooda, waxana lagu soo waramaya dadkii dhaawacu soo gaaray in lagu dabiibayo isbitaal ku yaala degmada.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay weerarkaasi Faah faahin ka bixiyaan, sidoo kale Kooxda Al-shabaab wali kama hadlin ayaduna Weeraradaasi.