Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka bilowday Olaolaha doraashada Madaxweynaha Jubbaland State waxaana tartaankaasi u taagan in ka badan 10 musharax, Habada Warbaahinta Idale News ayaa waxaay bal inyar ka taban doonta Musharaxiinta ila iyo hada si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay ka qayb qadanayaan Dorashada Madaxweynaha Jubbaland State .Musharax
Sh Axmed Madoobe waa Gudomiyaha Maamulka Kmg ah ee Kismaayo waxaa u sido kale yahay Gudomiyaha Xarakada Raskambooni Sh Axmed Madoobe waxaa u ku dhashay dhulka Somali Galbeed ama Kililka 5 naad waxaana uu ku soo bartay Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose Sh Axmed waxaa uu taagero ka helaya Wadanka Kenya oo Saaxiibo dhow ay yihiin Ciidamana ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahan gobolada Jubbooyinka.
Sh Maxamed Aw-libaax waa Gudoomiyaha Saxiixeyaasha Jubbaland waxana sido kale u yahay Gudomiyaha Ahlusunnada Konfureed Sh Maxamed waxaa uu ku dhashay Gobolka Gedo ee Galbeedka Somalia waxaana uu taagero ka helaya Dowlada Itobiya iyo wadomo reer Galbeed ah .
Sh Ibrahiim Shakuul wa Ganacsade Qurbajoog ah oo si weyn looga yaqaano Wadamada Mareykanka iyo Kenya waana marki ugu horaysay ee uu siyaasada Somalia ka soo dhex muqdo Siyaasigaan waxaa uu taageero ka helaya Xildhibano ka tirsan Baarlamanka wadanka Kenya oo ay xiriir dhow leyihiin waxaa uu sido kale saran yahay jeebkiisa oo sheekhu waa Ganacsade wayn.
Gen Cali Madoobe wa taliyihii hore ee ciidamada Booliska Somalia wa Aqoonyahan xilal badan ka soo qabtay Dowladihi ugu danbeyay ee Somalia waxana uu dhalasho ka haysta Wadanka Holland oo uu in mudo ah dagnaa Gen Cali Madoobe waxaa uu taagero ka helaya qaar ka mid ah wadamada reer Galbeedka iyo Hay,adaha UN ka ,
Prof Gandi waa aqonyahan ruug cada ah oo in badan ku soo jiray siyaasada Somalia garayna ila Wasiirka wasarada Gaashandhiga Gandi waxaa uu taageero ka helaya qaybo ka mid ah Dowlada Kenya sida wasiirki hore ee Gaashandhiga kenya oo ay isku raas yihiin sidoo kale waxaa uu taagero ka filaya wadamo ay ka mid tahay France .
Yasiin Raadeer waa Sarkaal ciidan oo mudo ka badan 35 sano ka howlgalayay Gobolada Jubboyinka waxaaana hada u yahay Gudomiye kuxigeenka Maamulka KMG ah ee Kismaayo Col Yasiin ila iyo hada ma cada meel u ku tirsan yahay balse wanu ku daba jogna in aanu ka helno xog dheeri ah.
Iiman Rashiid Gurre wa mid ka mid ah Aqonyahanada iyo Imaamada Gobolka Gedo waxaa uu ku dhashay Dagmada Luuq ee Gobolka Gedo waxaana uu dhalasho ka haystay Wadanka Danmark Imanka ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadki qaybta lixaad ka soo qatay Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo mana cada Wadamo rasmi ah oo uu taagero ka helayo.
Eng Bashiir wa mid ka mid ah Aqonyahanada Gobolka Gedo qaas ahaan Magaalada Garbaharey Eng Bashiir wa Aqonyahan Qurba joog ah dhalashona ka haysta wadanka UK waxana uu ka mid ahaa Musharaxiinta ugu horeeyay ee shaaciya in u tartamaayo Madaxweynaha Jubbaland Aqonyahan Bashiir ma cada garabka uu ku tiirsan yahay ama taagero uu ka filaayo balse wanu ku daba jirna
Iyadoo ay sidaasi tahay hadana waxaa jira Musharaxiin kale oo dhowr ah walina aan shaacin inay yihiin musharaxiin, balse la filayo maalmaha soo socda inay shaaciyeen musharaxnimadooda.
Dhamaan Musharaxiintani waxay ku suganyihiin magaalada kismaayo, halkaasi oo ay ka wadaan olole siyaasadeed oo ku doonayaan inay ku helaan jagada ugu saraysa Maamulka Jubbaland.
Musharaxiintani ayaa markii aad la sheekaysato mid walba wuxuu kuu sheegayaa rajo fiican inuu ka qabo in loo doorto Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland State.
Waxaa Xusid mudan sanadkii hore dhamaadkiisii markii loo tartamayay xilka Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya inay sidaan oo kale soo baxeen musharaxiin badan oo doonayay xiligaasi inay qabtaan jagada Madaxwaynaha isla markaana loo saadaalinayay Musharaxiin xiligaasi ugu cad cadaa ay waxba heli waayee markii miiska lasoo fariistay xaaladuna is badashay isla markaana uu meesha soo galay nin aan la filayn waa madaxwaynaha iminka talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.