Muqdisho(INO)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga calaamiga ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Saciida Sheekh Axmed ayaa Soo gaartay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoona Ka Soo Ambabaxdey Magaalada Brussles ee Dalka belgium-ka.
Wasiir Saciida Sheekh Axmed waxa garoonka diyaaradaha Ee Caalamiga Ah Aden Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda KGS oo ku sugan Muqdisho, Xildhibaano iyo Qaar Ka Mid Ah Bulshadda Rayidka ee KGS.
Wasiirka ayaa lagu wadaa In Ay Gaarto Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoona Qiib lixaad Leh Ka Qaadan Doonto, Xoojinta Cilaaqaadka caalamiga ah ee u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo Beesha Caalamanka.
Ugu Dambeyntii, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Saciida Sheekh Axmed Ayaa Khibrad weyn waxay u leedahay diblomaasiyadda – Caalamiga ah iyo Raadinta Geeda Socodka Nabadda Aduunka.
Idale News Online, Muqdisho.