Hargeysa(INO) — Waxaa goor-dhow magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ka shaaciyay inay iska casileen xilalkii xukuumadda Somaliland ka hayeen, waxaana wasiirrada is-casilay ay tiradoodu kor u dhaafaysaa sideed wasiir, wasiir xigeenno iyo afhayeenkii madaxtooyada Somaliland.
Wasiirrada is-casilay ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Biixi Yooni, Wasiirka madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Cabdi Aw Daahir, Wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid.
Sidoo kale, waxaa kaloo iyaguna la sheegayaa inay is-casileen Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta, Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo afhayeenka madaxtooyada, Axmed Saleebaan Dhuxul, Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada, Cabdiwaaxid C/raxmaan iyo Wasiir ku xigeenka dib u dajinta, Nimco Xuseen Qaydhan.
Inkastoo aanay wasiirrada is-casilay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan sababaha ay isku casileen ayaa haddana wasiirka arrimaha dibadda ee xilka iska casilay, Maxamed Biixi oo ka mid ah murashaxiinta xilka madaxnimo ee Somaliland ee xisbiga Kuliye ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in madaxweynaha Somaliland uu u muuqdo in aanu dhex-dhexaad u ahayn murashaxiinta xisbiga Kulmiye.
“Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hore u ballan-qaaday inuu dhexdhexaad u noqonayo masharraxiinta xisbiga Kulmiye ayaa hadda wuxuu u muuqdaa inuu garabka saaray hal murashax oo keliya,” ayuu Biixi u sheegay BBC-da.
Ugu dambeyn, Is-casilaadda wasiirradan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo lagu wado in Xisbiga Kulmiye uu 10-ka November ee sannadkan 2015-ka ku qabto Hargeysa shirkii golaha dhexe, kaasoo uu xisbigu ku kala dooranayo murashaxiinta jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka uga qayb-galaya doorashada la filayo inay dhacaan Maarso 2017-ka.
Idale News Online, Hargeysa