Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed Oo Lagu Eedeeyay in qaab Suuq Madow Ah U Iibsadeen Raashiin Gargaar

0
531

Marka ( INO)-Ilo Wareedyo ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu u xil saaray Madaxweynaha KGS Shariif Xasan Sheekh Aadan in ay shacabka u qeybiyaan Raashiin Gargaar  ayaa la soo sheegayaa in ay Musuqmaasuqeen.

Wasiirada la sheegay in si Suuq Madow ah u iibsadeen Raashiinkaasi Gargaar ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Daaq iyo Deegaanka Maxamuud Maxamed Aadan ( Macallin Jiis), Cabdullaahi Muuse Abuukar wasiirka Arrimaha Gargaarka, Wasiirka Boostada iyo Koonfur Galbeed Maxamed Sheekh Cumar Black,  Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Maamulkaas Xuseen Maxamed Xaaji iyo Guddoomiyaha degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Cumareey.

Raashiinkaas la musuqmaasuqay ayaa loogu tala galay Shacabka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo  Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Wasiiradaasi ay leexsadeen Raashiin Gargaar oo loogu tala galay shacabka Danta yare e ku dhaqan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Masuuliyiinta ku lugta leh Musuqmaasuqa ayuuna sheegay Mr Yariisow in ay ka dhex tafatay ayna gacanta iskula tageen.

Ugu dambeyntii, Dowladda Turkey ayaa dhawaan Markab weyn oo sida Raashiin Gargaar ka soo dajisay Dekedda Muqdisho kuwaas oo ay qeybsadeen Masuuliyiin dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada ka socda oo la sheegay in ay u xil saaran yihiin Gaarsiinta Shacabka laakiin ma jirto wax illaa hadda la siiyay shacabkaasi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay