Wasiiro Ka Tirsan KGS Oo Ku Kala Aragti Duwan Maamul Loo Sameeynayo Degmada Marka

0
223

Afgooye(INO)-Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Degmad Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa kusoo waramaya in  Qaar Ka Mid ah Wasiirada Dowladda KG Soomaaliya,  ay ku kala aragti duwanyihiin habka loo marayo Maamul u samaynta Degmada MarkaCadey ee Xaraunta Gobolka Shabeelada Hoose.

Sida  Lagu Soo Waramayo, Wasiirada qaarkood ayaa qaba in la raaco tala soo jeedinta Beesha Habar gird oo awoodooda siyaasadeed isugu geeyey in la badalo Maamulka MarkaCadey, halka Wasiirada qaarkoodna ay qabaan in arinta Maamulka ah loo daayo Odayaasha dhaqanka ee Deegaanka.

Madaxweyne, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu haysto Cadaadis ku aadan in sida ugu dhaqsiyaha badan u magacaabo Maamul ayaa ila wareedku sheegayaa inuu la saftay dhinac ka mida ah Wasiirada oo uu ku raacay in la magacaabo Shakhsi hada ku sugan Hotelka ay degenyihiin  Wasiiradda KG Soomaaliya iyo  Qaar Ka Mid ah Siyaasiyiinta Xil Doonka Ah ee Beesha Habargidir.

Sida La Sheegey, Tiro Wasiiro ah ayaa Habeen hore ka caroodaya tallaabooyinka  Madaxweyne Shariif Xasan ee uu la damacsanyahay Deegaanka kuwaas oo isla habeen hore ku hoyday Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Saacadaha soo Socoda ayaa lagu wadaa in Degmadda Afgooye ay ku shiraan Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameed iyo Wasiirada Dowladda Koonfur galbeed ee  kasoo jeeda Iyo Madaxweyne Shariif Xasan si ay go’aan uga gaaraan arintan jahwareerka dhalisay.

Ugu Dambeeyey, Dadka Deegaanka oo horay  ka digey  Cadaalad daro ka dhacda Gobolka Shabellaha Hoose, Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ku doodaya iyadoo aanu dhaqan gelin Heshiis ku sheegyadii lagu gaaray Afgooye waxa hada dhaliyey in loo gudbo Maamul u samaynta Marka.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here