Baydhabo(INO)- wasiirka Beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan FaqI iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u duulay Magaalada London ee dalka UK.
Wafdiga Wasiir Fiqi oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo wasiiro ayaa casuumad ka helay Madax ka tirsan dalka Uk, waxaana la sheegay in ay ka soo wada hadli doonaan arimaha la xiriira iskaashiga aminiga, tababarka Ciidanka, maal gashiga deegaanada koonfur galbeed iyo arimo kale.
Socdaalkan oo maanta bilowday ayaa sida warbixin aan ku helnay waxa uu qaadan doontaa muddo hal todobaad ah, inta ay halkaasi joogaanna waxay kaloo kulamo la yeelan doonaan Bushada Koonfur galbeed oo ay isku soo hadal qaadi doonaan arimaha ka taagan deegaanada Maamulka uu ku magacaabanyahay.
Ugu dambeyntii, Koonfur galbeed ayaa Mas’uuliyiintiisa safaro kala duwan waxa ay ku tagaan dalalka Caalamka, waxaana safaradooda lagu sheegaa kuwo u badan dalxiis iyo waqti lumin maadaama ay soo kordhiney wax hormar ah.
Idale News Online, Baydhabo