Wasiirka wasaaradda warfaafinta oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

0
207

Wasiirka wasaaradda warfaafinta isgaarsiinta boostada iyo gaadiidka Mudane cabdullaahi Ciil Mooge Xersi  oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo oo uu ugu maqanaa dalka dibadiisa ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda.

Mudane cabdullaahi Ciil Mooge Xersi   Wasiirka wasaaradda warfaafinta isgaarsiinta boostada iyo gaadiidka  oo garoona diyaaradaha kula hadlayay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay  wasaaradda warfaafinta waxqabadkeedii ugu horeeyay ay ka hir galisay magaalada Kismaayo Idaacad ku hadashay afka dowalada Soomaaliya isla markaana ka haqab tiri doonta dadka deegaankaasi baahida warbaahineed,isdoo kale waxaa uu wasiirku sheegay in  idaacado kale oo ku hadlaya afka dowalada ay geyn doonaan magaalooyinka Marka,Jowhar iyo Baydhabo .

“Een Wasaaradda waxaa u sooro gashay in markii ugu horeysay tan iyo markii xuriyada la qaatay ma ayan laheyn magaalada Kismaayo oo ah magaaladii 3-aad ee dalka Soomaaliya,waxana la mid noqon doonta hadii uu illaah raali ka noqdo magaalooyinka Marka,Jowhar iyo Baydhabo, Ayuu yiri.Wasiirka wasaaradda warfaafinta isgaarsiinta boostada iyo gaadiidka Mudane Ciil Mooge

Wasiirka wasaaradda warfaafinta isgaarsiinta boostada iyo gaadiidka Mudane cabdullaahi  Ciil Mooge Xersi  ayaa sidoo kale tilmaamay in uu la kulamy Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykana ayna balan qaadeen in dalka ay ku soo laaban doonaan si ay ugu qeyb qaataan dib u dhiskiisa.

“Jaaliyadda ayaan la sheekeystay waxaana ay u baahan yihiin in ay dib ugu soo laabtaan dalkood,Kuwa xirfadlaha ah in xirfadooda ay dalka keenaan kuwa ganacsiga sidoo kale kuwa caruurtooda dhaqan celinta u rabana,waxaa ay go’aan ku gaareen in aysan dib u celin caruurooda,taasina waxaa guul u soo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xukumadda Soomaaliya. Ayuu sidoo kale raaciyay cabdullaahi Ciil Mooge Xersi  Wasiirka wasaaradda warfaafinta isgaarsiinta boostada iyo gaadiidka.

Wasaaradda Warfaafinta ,Isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka oo ka mid ah wasaaradaha dowalada Soomaaliya ayaa waxaa ay u taagan tahay hanuuninta shacabka Soomaaliyeed iyo u hagida dhabaha wanaagsan ee horumarka iyo nabadgalyada.

Idale News Muqdisho