Wasiirka wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Dowlada Soomaaliya oo u ambabaxday Dalka Emaradka Carabta.

0
198

Shirkani oo ka furmaya wadanka Isu Taga Imaaradka Carabta ayaa waxaa ka qeyb galaya wadamo ay ku mideysan yihiin ururka E.M.O East Mediterranean  Organization oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Dowlada Soomaaliya Marwo Maryan Cariif Qaasim Axmed oo Dowlada Soomaaliya uga qeyb galeysa kulankaasi oo ah mid heer caalami ah ayaa Taleefishinka qaranka  iyo Radio Muqdisho  kula hadashay garoonka Aadan Cabudulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho ka hor inta aysan ka dhoofin garooka,waxaana ay sheegtay in ujeedka safarkeeda  uu la xiriiro ka qeyb galka shirkaasi looga hadlayo dhibaatada hooyada iyo caruurta Aduunka gaar ahaan wadamada ku bahoobay ururka E.M.O East Mediterranean Organization.

“Safarkeygan waxaa uu ku saabsan yahay shir ka furmaya dalka Emardka carabta magaalada Dubai oo ay isugu imanayaan dowladaha loo yaqaan Emro,ujeedka kulankani waa sidii loo yareyn lahaa hooyooyinka u dhimanaya sababo la xirira dhalmada iyo caruurta 5-ta sano ka yar ee micno la’aanta u dhimanaya” ayeey tiri Wasiirka wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada.

Shirkani ayaa la filayaa in uu ka soo baxo qodobo muhiim ah oo quseeya shirka iyo wax ka qabashada xaalado badan oo hor taagan caafimaadka  hooyooyinka xiliga Uurka ay ugu dhimanaya iyo caruuta dadoodu ka hooseeyso 5-ta Sano.

Idale News Muqdisho