Wasiirka Warfaafinta Oo Siminaar Usoo Xeray Qaar Ka Mid Howlwadeennada Telefishinka Qaranka (sawirro)

0
155

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta siminaar usoo xeray qaar ka mid ah howlwadeennada Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo mudo uu tababar uga soconayey xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Munaasabadda siminaarka loogu soo xerayey howlwadeennada Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo ka dhacday hoolka Wasaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,Agaasimaha Warbaahinta,Agaasime waaxeedyada Wasaaradda,khuburradii tababarka siinayey howladeennada iyo howlwadeennada tababarkan nasiibka u yeeshay qudhooda.

Ugu horeyn Khabiir Axmed Sheekh Yuusuf Guuleed oo isagu ah khabiir dhanka Telefishinnada ku taqasusay islamarkaana howlwadeennadan siminaarka siinayey mudo todobaad ah ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu xusay in ka qeybgalayaashii siminaarka nasiibka u yeeshay ay waxbadan ka faa’ideysteen islamarkaana ay ku baranayeen farsamada Telefishinka iyo sida barnaamijyada Tvga hawada loogu hago,waxaana uu ballan qaaday inuu sii wadi doono tababarrada noocaan ah.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Mudane C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaalla) oo isaguna khudbad ka jeediyey munaasabadda xeritaanka ayaa tilmaamay in wax lagu farxo ay tahay fursadda ay heleen howladeennada siminaarkan loo xerayey waxaana uu Agaasime Al-Cadaalla uga mahad celiyey khabiir Axmed Guuleed oo isagu ah khabiirka siminaarkan siinayey howlwadeennada sida uu waqtigiisa ugu huray inuu u faa’ideeyo howlwadeennada Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ku ammaanay khabiir Axmed Guuleed sida uu had iyo goor u garab taaganyahay Telefishinka Qaranka maadaama uu khabiirku kaalin weyn ku lahaa aas aaska Telefishinka Qaranka iyo dib u howlgelintiisa amaba uu ahaa qofkii ugu horeeyey.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa uga mahad celiyey Khabiirkii howlwadeennadan Telefishinka Qaranka ka tirsan tababarka siinayey oo uu ku ammaanay dadaalkiisa waxaana uu Wasiirku kula dardaarmay howlwadeennada fursadda u helay siminaarkan iney dadka la shaqeeya gaarsiiyaan waxa ay barteen.

Qaar ka mid ah howlwadeennada ka qeybgalay Siminaarkan socday mudada todobaadka ah oo iyana hadlay waxa ay tilmaameen iney si aad ah ugu faraxsanyihiin fursadda ay heleen ayaga oo tababarkanna ku tilmaamay mid ay aad ugu baahnaayeen balse hada baahidii ay u qabeen laga haqabtiray waxaana ay u mahad celiyeen Khabiir Axmed Guuleed oo ay tilmaameen in si hagar la’aan ah uu wax u baray.

Tababarkan socday mudada Todobaadka ah ayaa waxaa nasiib u yeeshay iney ka faa’ideystaan 14 ruux oo ka mid ah howladeennada ugu fir fircoon Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waxaana uu bilow u yahay tababarro ay wada heli doonaan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka sida ay ballan qaadeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo Khabiirka tababarkan bixinayey, gebagebadiina waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyey howlwadeennada siminaarkan ka qeybgalay.

 

 

Idale News Muqdisho