Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo ka qaybgalaya Shirka Mobile-da Adduunka

0
195

Wafi uu hoggaaminyo wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo kusugan dalka Spain ayaa ka qaybgalaya shir sanadeed ay isugu yimaaddaan caalamka loogana hadlo hormarka Teknoolajiyada casriga gaar ahaan Mobile-da iyo Computer-da. Shirkan oo galaya maalintiisii labaad ayaa Wasiirka iyo waftigiisu waxay kulamo gaar gaar ah la galayaan masuuliyiin ka socota caalamka iyo wasiiro kisagoo wasiirku kala hadlay dhamaantood xaaladda waddanku marayo iyo fursadaha ka jira.

Wasiirka oo ay wheliyaan laba masuul oo ka tirsan Wasaaarada oo kala ah Axmed Xaaji Cabdi iyo Maxamed Ibraahim ayaa inta ay joogaan magaalada Barcelona ee shirkani kasocdo waxay sii wadi doonaan dadaalada ay dawladdu ugu jirto iney dib u soo celiso xiriirka caalamka aan la leenahay gaar ahaan dhanka teknoolijiyada casriga ah.

Shirkan oo bilawday maalintii Isniinta ahayad ee Bishani ahayd 25ka February ayaa socondoona illaa maalinka Jimcaha ah waxaana ka qaybgalaya dad ka badan Boqol Kun oo ruux oo dhamaantood kasocda shirkado iyo waddamada caalamka.

Sawirada shirkan iyo warbixinta oo dhameystiran dib ayaan kasoo gudbin doonaa.

Idale News Muqdisho