Wasiirka Howlaha Guud & Degadaha oo la Kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan

0
207

Wasiirka Howlaha Guud iyo Degadaha Mudane Muxudiin Maxamed Kaalmooy oo Maalmahan Socod Shaqo ku joogay Dalka Sudan gaar ahaan  Magaalada Khartoum ayaa Habeenimadii Xalay Ahayd la kulmay Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee Waxkabarta  Jaamacadaha Dalka Sudan.

Kulankan oo ay Wasiirka La qaateen oo iska kaashadeen Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan iyo Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan ayaa waxa Goob joog kahaa Madax uu ka mid yahay Safiirka Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan  Maxame C/laahi Ugaas , Macalimiin, iyo Xubnihii Wasiirka Wafdiga ku wehlinayay.

Kulankan ayaa waxa  uu Wasiir Kaalmooy uu uga warbixiyay Ardayda xaalada Soomaaliya ee Iminka ay marayso iyo sida uu Xaalka dhabta ah yahay isagoo sheegay in Maanta Dalka Soomaaliya isaga loo soo shaqo doonto ayna la la’yahay Dadkii Aqoonta lahaa ee Shaqada Wadanka qaban lahaa.

Wasiirka ayaa ku booriyay Ardayda in ay Dalka Dib ugu soo Laabtaan aan la aadin meelo kale oo Wadamo kale si uusan Wadankii Dadkii Aqoonta laha looga waynin.

Wasiirka oo ahaa inta uusan Xilka Wasiirnimo loo magacaabin Qunsulkii Safarada Soomaaliya ee Dalka Liibiya ayaa ugu Sheekeeyay Dhibaatadii uu kusooo arkay Dadkii Tahriibka ahaa ee Halkaas kusoo Mari jiray.

Ugu dambeentiina Ardayda aya u balan Qaaday si wada Jir ah oo Cod kor loo qaaday ah in ay balan qaadayaan in ay Dalka Dib ugu soo laabayaaan.

Wasiirka ayaa Sidoo kale gabi ahaanba Soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Dalka Sudan isaga oo ku sii wajahan Dalka Soomaaliya.

Idale News Muqdisho