Wasiirka Gaashaandhigga “Ciidammada Xoogga Dalka Iyo Kuwa AMISOM Dhul Ballaaran Ayey Kala Wareegeen Argigixisada”

0
207

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga  Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Mudane C/xakiin  Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka qeyb galayay barnaamijka kulanka jimcaha ee warbaahinta qaranka ayaa ka hadlay guulaha isdaba jooga ah ee mudooyinkii dambe ay gaarayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed  iyo kuwa nabad ilaalinta midowga  afrika ee AMISOM.

Mudane C/xakiin   Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in bishan ciidanka xoogga dalka ay guullo la taaban karo ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen maleeshiyada kooxda Al-shabaab islamarkaana ay ka xoreeyeen magaaloyin iyo deegaano ku yaala gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca ayaa tilmaamay  in deegaanada ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab ay ku yaalaan inta  badan gobolka shabeelaha hoose sida Aw-Dheegle,Janaale iyo kuwo kale waxaana dhinaca kale  Wasiirku  ka hadlay howlgalkii qorsheysnaa ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay wuxuuna sheegay in Buur-hakaba ay Al-shabaab u aheyd marin dheer oo ay isugu gudbi jireen gobollo fara badan oo dalka soomaaliya ka tirsan.

Hadalka wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xili howlgalkii ugu dambeeyey ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya ay kula wareegeen degmada buur-hakaba ee gobollka bay.

Idale News Muqdisho