Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmey Jaaliyada iyo Ardeyda Soomaaliyeed ee Turkiga

0
215

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane C/raxiim Fiqi oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha ee booqashada ku joogey dalka Turkiga ayaa waxaa si diiran magaalada Istanbul ugu soo dhaweeeyey guud ahaan ardeyda Soomaaliyeed ku dhaqan magaaladaasi gaar ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan halkaas.

Wasiirka ayaa ku kuurgalaayey xaalada nololeed iyo tan waxbarasho ee ardeydaasi  waxuuna kula dardaarmey ardeyda Soomaaliyeed in fursad waxbarasho ee walaaleen Turkiga ugu dheeqay ka faa’ideystaan, marka ay dhameystaana dalkooda iyo dadkooda uga faa’ideeyaan.

Idale News Istanbul