Wasiirka Dib U Dajinka Ee Dowladda Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay Soomaalida Ku Dhibban Yemen

0
260

Baydhabo(INO)-Wasiirka dib u dejinta Dowladda Koonfur Galbeed Axmed Sheekh Maxamed ayaa ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen iyo sida ugu haboon ee dadkaasi loo caawin karo.

Waxa uu sheegay in marka hore ay ka maamul ahaan aad uga danaqanayaan dhibaatada haysa shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyay bulshada Soomaaliyeed in ay kaalin ka qaataan dib usoo celinta dadkaasi.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay dadkaasi wax ugu qaban lahaayeen, hadii ay ahaan lahayd ka qeybqaadashada dib u dejintooda, u qeylo dhaaminta caalamka iyo arrimo kale.

“Anaga ka Dowlad ahaan waan ka damqaneynaa waxa shacabkeena ku haysto dalka Yemen, waxaan ku rajo weyn nahay in kaalinteena ka qaadanno dib u dejinta dadkaasi, maxaa yeelay Dowladda  Koonfur Galbeed waxa uu sameeyay wasaarad dib u dejin ah” ayuu yiri Wasiirka.

Dalka Yemen waxaa ku dhibban Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u baahan in lala gaaro gurmad degdeg ah, waxaana dhawaan magaalada Muqdisho ka bixi doona Markab uu ganacsade Soomaaliyeed ugu tala galay in dadkaasi lagu soo daabulo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here