Wasiirka Cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha oo la wareegey Xafiis Qalalan iyo 46 Shaqaale

0
221

Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dawlada Soomaaliya Maxamuud Axmed Xasan, oo shalay gelinkii dambe xilka wasaaradaasi kala wareegay wasiirkii hore C/wahaab Ugaas Khaliif ayaa sheegay in wasaaradiisu ay ka mid noqon doonto wasaaradaha ugu muuqa dheer dawlada haddii si wanaagsan looga shaqeysiiyo.

Wasiirka cusub Mudane Maxamuud Axmed Xasan oo hadal ka jeediyey xaflad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda warfaafinta ee Muqdisho oo uu xilka kula wareegay ayuu ku sheegay in markii isaga loo magacaabay xilka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ay dad badan ku yiraahdeen inuusan helin wasaarad fiican oo dhaqdhaqaaq leh.

“Dad baa waxay igu yiraahdeen meel cidla ah ayaa lagu geeyay, laakiin waxaan idiin sheegayaa wasaaradaan inay dhammaan saameyneyso dalkoo dhan wax walbana au ku xiran yihiin” ayuu yiri wasiirka cusub Mudane Maxamuud Axmed Xasan.

Wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga C/wahaab Ugaas Khaliif isla markaana ahaa raysul wasaare ku xigeen ayaa wasiirka cusub geeyey dhisme burbursan oo ay shaqaalaha wasaaradu ku shaqeyn jireen kaasoo ku yaalla dhabarka dambe ee xarunta madaxtooyada.

Wasiirka hore ayaa sidoo kale wareejiyey shaqaale 46 ruux gaaraya oo hadda wasaaradda u shaqeeya iyo lacag ay wasaaraddu lahayd, oo aan tiradeeda la sheegin.

“Waxaan wasiirka cusub ku soo dhoweynayaa wasaaradii iyo shaqaalihii ila shaqeynayey oo ay ku jiraan wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dawlaha” sidaasi waxaa yiri C/wahaab Ugaas Khaliif.

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa ka mid ahayd wasaradaha ugu dhaqaaqa yar marka loo eego dhanka shaqada iyo wax soo saarka, inkastoo ay xafiisyo ku lahayd dekeda iyo garoonka Muqdisho.

Ma jirin canshuur toos ah oo wasaaraddu ka heli jirtay ganacsatada iyo warshadleyda madaxa bannaan ee gudaha dalka ka shaqeeya, taasoo masuuliyiintii hore ay u aaneeyeen amaan darrida jirta iyo inaysan dawladu wada maamulin dalka oo dhan.