Wasiirka Arrimaha gudaha oo ugu baaqay Milkiilayaasha Maqaayadaha iyo Hotelada inay amnigooda adkeeyaan

0
223

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay Milkiilayaasha Hotelada iyo Baararka inay adkeeyaan ammaanka goobahooda, isagoo ka digay qaraxyo kale oo ka dhaca.

Mr Guuleed ayaa sheegay inay soo badatay bartilmaameedka Hotelada iyo goobaha dadka isugu yimaadaan, waxaana uu cadeeyay in loo baahan yahay in laga feejignaado, si looga hortago dhibaato ka dhacda.

“Milkiilayaasha Hotelada iyo Maqaaxida waxaa looga baahan yahay inay ilaalo gaar sameystaan, qaraxyada iyo waxyaabaha la mid inay soo laab laabatay iyo Ismiidaaminta, waxaa ugu horeeya qof kasta in si buuxa baaritaan loogu sameeyo, hadii ahaan laheyd jirkiisa iyo qalabka uu wato”ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in looga baahan yahay milkiilayaasha wixii awoodooda ka baxsan inay hey’adaha amniga kala kaashadaan, si looga hortago qaraxyo ama falal lagu dhibaateynayo shacabka sida uu yiri.

Sidoo kale Wasiirka ayaa uga digay Milkiilayaasha maqaayadaha iyo Hotelada in hadii ay timaado dhibaatooyin noocaan oo kale ah aan la isku cafin doonaan, isla markaana la isku daba geli doono.

Maalintii shalay ayay aheyd markii qof uu isku qarxiyay gudaha maqaayad ku taal xeebta Liido, kaasoo ay ku dhaawacmeen ilaa 7-ruux, waxaana labo todobaad ka hor qarax baabuur lala eegtay Maqaayad kale oo Liido ku taala.

Idale News Muqdisho