Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda Kismaayo

0
208

Wasaarada arrimaha gudaha iyo Amniga Qaran ka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin ku aadan dagaalada Kismaayo soo saartay,  iyadoo aqoonyahano iyo waxgarad Soomaaliyeed ay iyana ku baaqeen in xal laga gaaro xiisadaha ka soo cosboonaaday magaalada Kismaayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dagaalada ka soconaya Kismaayo ku tilmaamay wax aan loo baahneyn,  isagoo intaa ku daray in aysan xukuumadu taageereyn wax kasta oo ka soo horjeeda nabada, wuxuuna ku baaqay in laga wada qeybqaato deminta colaadaasi,  wuxuuna ka digay cawaaqib xumida ka dhalankarta colaadaha.

‘’haba yaraatee ma jirto wax dagaalo ah oo aan u gacan haatineyno,  anaga mar walba nabada,  wadahadalka iyo xasiloonida  ayaan la jirnaa,  iyadaas ayaan mar kasta ku baaqeynaa sidoo kale wax dagaal ah oo aan taageereyno ama taageeridoono ma jirto’’ ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka .

Wasiirka ayaa ugu baaqay dhamaan dadka waxgaradka ah in laga qeybqaato deminta dagaalada ka soconaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale waxgarad iyo aqoonyahano kaladuwan oo la soo xiriiray Radio Muqdisho ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka soconaya Kismaayo,  iyagoo ku tilmaamay dagaaladaasi in ay fursad u noqon karaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Idale News Muqdisho