Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo kulan la qaatay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland

0
232

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka Xukumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulgoboleedka Puntland,  iyagoo ka wada hadlay sidii loo hormarin lahaa Amaanka deegaannada Puntland.

Wafdiga uu hogaaminyo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayna ka mid ahaayeen wasiirka Maaliyadda Maxamed Xasan Suleymaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed oo shalay gaaray magaalada Garowe ayaa waxa ay xalay kulan gaar ah la qaateen madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay arrimaha ammaanka iyo sidii dowladda dhexe iyo maamulgoboleedkaasi isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada dhibaatada ka wada dalkeena

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo shalay lagu aasay magaalada Garowe iyo sidii xal loogu heli lahaa dilalka qorsheysan ee argagixisadu u geysaneyso dadka birimageydada ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisu uu go’aan cad ka qaadandoono kooxaha fuliya dilalka qorsheysan ee argagixisadu ka dambeeyso.

Wasiirrada ka socda dowlada dhexe ee jooga magaalada Garowe ayaa la filayaa in saaka ay kulamo kale oo dheeraad ah la qaataan mas’uuliyiinta maamulka Puntland,  iyadoo dhinaca kalena si aad ah loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garowe.

Idale News Muqdisho