Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo gaaray Kismaayo

0
227

Kismaayo(INO)— Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedhros Adhanom ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu wado in maalinta berri uu ka furmo shirka wada tashiga ee looga hadlayo hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016 ka dhacaya dalka.

Mr Adhanom ayaa waxaa uu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxda Maamulka Jubbaland, waxaana lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka madasha wada tashiga ee hanaanka doorashooyinka.

Wararka ayaa intaa ku in Urur goboleedka IGAD ay door ka qaadan doonto sidii madaxda Soomaalida ay isku raaci lahaayeen hanaan doorasho oo dalka ka dhaco, iyadoo wali aan la isku raacin nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, marka uu dhamaado waqtiga dowladda hada jirta.

Sidoo kale waxaa Kismaayo ka degay xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo diblomaasiyiin, kuwaasoo ka qeyb galaya shirka arrimaha Hiigsiga looga hadlayo.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa kula kulmay magaalada Kismaayo Saraakiil ka tirsan AMISOM, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo howl galada dalka ka socda, waxaana Wasiirka uu ku booriyay saraakiisha in la sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa dhowaan gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo tagitaankooda magaalada lagu sheegay ka qeyb qaadashada sugida amniga magaalada iyo howl galada lagula jiro Al-Shabaab.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here