Wasiiradii hore iyo Xildhibaanada cusub oo muuqda iney buuxiyeen booska banaan ee Afhayeenka Dowladda Somalia

0
240

Tan iyo markii ay magaalada xeebta ah ee Kismaayo ay gacanta dowladda iyo kuwa Kenya ee hoos taga dalada AMISON soo gashey  isla markaasna ay soo if baxdey qorshaha maamul u sameynta Jubba Land ayaa waxaa soo ifbaxey isbarbar-yaac ka dhex jira gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya.

Beryihii ugu dambeeyey waxaa hadalo is khilaafsan ay ka soo baxayeen masuuliyiinta xukuumaddii waqtigeedu dhamaadey iyo qaar ka mid xildhibaanada cusub ee barlamaanka, kuwaas muujinaayey rabitaankooda ku aadan maamul u sameynta Jubooyinka Somalia  iyagoo ku hadlaaya magaca dowladda Federaalka Soomaaliya digniino iyo hadalo kulul saxaafada u marinaayey dalalka deriska sida Kenya, Itoobiya,Jabuuti iyo guud ahaan urur gobaleedka IGAD.   Waxaase xusid mudan in maamulka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan laheyn af-hayeen ku hadla siyaasadda iyo magaca dowladda si ay meesha uga baxdo jahawareerka loona helo siyaasad cad oo ka turjumeysa danaha dowlada Somalia iyo tan ay la wadaagto dalalka aynu saaxiibka ama deriska nahay.

Bishii la soo dhaafay ee September markii ay magaalada dekadda leh ee Kismaayo ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,  ayaa waxa hadda lagu howlan yahay siddii maamul loogu sameen lagaa gobalada Jubbooyinka. Taasi ayaa waxay dhalisey in wasaaradihii iyo xildhibaanadii dowladda ku kala aragti duwanaadeen arrinkaas, waxayna si kala gooni gooni ah uga hadleen idaacada gudaha iyo kuwa dibada.

Sii hayaha xilka wasiirka gaashandhiga Xuseyn Carab Ciise oo la hadlaayay saxaafadda ayaa sheegay dowladda cusub inay dhowaan maamul u sameyn doonto gobollada Jubbooyinka , maadama gobaladaas ay yihiin kuwo muhiim ah.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka war qabaan maamulka ku-meel-gaarka ee loo sameeyay Kismaayo, wuxuuna sheegay arrintaas inay ka dhigan tahay in la sugo ammaanka magaalada Kismaayo. Wuxuu kaloo sheegay  inay socdaan qorsheyaal lagu damacsan yahay in maamul rasmi ah loogu sameeyo Jubbooyinka.

Waxa hadalka siihayaha wasiirada Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise mid ka qaab duwan sheegay siihayaha Wasaarada Ganacsiga ee Dowlada Soomaaliya Cabdiweli Ugaas Khaliif oo isna yiri in Maamul u Sameynta Gobalada Sadexda ah (Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe) ee hada lagu talo jiro in loogu yeer Jubba-Land ay u taal dadka shacabka deegaankaas. IGAD iyo Dowladaha dariskana joojiyaan shirarka iyo faragalinta maamul u sameynta Jubbooyinka.

Hadalka wasiirka ayaa ku aadayaa iyadoo magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka socdo shir looga hadlaayo maamul usameenta gobalada Jubbooyinka, kaasoo ugu dambeyn lagu dhawaaqi doono bisha December ee dhamaadka sanadkaan.

Dowladda Federaalka ayaan weli si cad uga hadlin siyaasadeeda ku aadan maamul u sameynta dhamaadka ku dhow ee ay IGAD hormuudka ka tahay, mana jiro wax war ah oo ka soo baxey kulankii 2da madaxweyne ee Kibaki iyo Xasan Sheekh ku dhex marey Uganda.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com