Wasiiradda adeegga bulshada oo sheegtay in ay wado qorshe gobolada looga hirgalinayo xarumo caafimaad

0
228

Wasaaradda horumarinta adeega Bulshada Soomaaliyeed  ayaa sheegtay in sanadkani ay wadaan qorshe ay cusbitaalo dhexe uga hirgalinayaan gobollada dalkeena.

Iyadoo la hadleysa warbaahinta Qaranka wasiirka wasaaradda horumarinta adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Marwo Maryan Khaasim Axmed ayaa waxaa ay daboolka ka qaaday in sanadkani ay ku talajiraan sidii adeegyo caafimaad ay uga hirgalin lahaayeen gobollada Dalka si loo daboolo baahida caafimaad  ee heysata shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta adeega Bulshada oo wareysigeeda dhinacyo badan uga hadashay ayaa iyadoo ka hadleysa horumarka dhanka ciyaaraha kala duwan ee Isboortiga Soomaaliyeed waxaa ay u hambalyaysay wiilasha Kubadda Kolayga Guushii ay ka soo hooyeen ciyaarihii Son Fife ee sanadkani lagu qabtay magaalada Darasalam ee dalka Tanzania waxaana ay sidoo kale tilmaamtay in la horumarin doono Isboortiga Soomaaliyeed.

Tan iyo wixii ka danbeeyay dowladii dhexe ee dalka waxaa meesha ka baxay guud ahaan adeegyadii danta guud waxaana soconaya haata dedaalo dowladda Soomaaliya ay ugu jirto soo celinta guud ahaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa bulshada Soomaaliyeed.

Idale News Muqdisho