Muqdisho(INO)— Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in dowladda Federaalka ku howlan tahay dhameystirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado in 90-cisho gudahood lagu dhiso.
Wasiir Odawaa oo ka mid ah wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha oo ku sugan magaalada Beledweyn ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada inay kala shaqeeyaan, sidii maamulkaas dhidibada loogu aasi lahaa.
“Dowladda diyaar waxay u tahay sidii loo xoojin lahaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaa ka codsanayaa shacabka labada gobol inay nagala shaqeeyaan dhismaha maamulkaas iyo inay isku diyaariyaan sidii Madaxweyne ay u dhan yihiin u dooran lahaayeen”ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadaalada la wado ay qeyb ka tahay sidii shacabka labada gobol dib u heshiisiin looga dhex sameyn lahaa, isagoo ugu baaqay odayaasha, nabadoonada iyo waxgarad inay door ka qaataan dib u heshiisiinta.
Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha ayaa dhowaan waxaa lagu shaaciyay in magaalada Jowhar ay marti gelineyso madasha shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, halka caasimada maamulkaas ay noqoneyso magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.
Idale News Online, Muqdisho