Wasiir Ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaliya Oo Sheegey War Xasaasi Ah

0
550

Baydhabo(INO)- Ciidamada Booliiska gaar ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ka soo bad baadiyay ku dhawaad 20-qof oo ay u heysteen Madaxfurasho Lacageed.

Dadkaan ayaa waxaa lagu soo bad baadiyay Howlgal ciidankaan ay ka sameeyeen deegaanka Shanqoolow oo u dhaxeeya degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo ka kala tirsan gobalada Bay iyo Gedo.

Wasiirka Hub ka dhista Maleeshiyaadka iyo Tababarada ciidanka Xasan Xuseen Maxamed ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in dadkaan ay ku xirnaayeen Saldhig ay leeyihiin Shabaab.

Dadka ay soo badbaadiyeen ciidanka ayaa waxaa ka mid ah dad Ganacsato ah oo ay ka doonayeen sida la sheegay in ay ka qaataan Lacag baad ah.

Wasiirka Hub ka dhista ayaa sidoo kale SONNA u sheegay in ciidamada ay howlgal balaaran ay ka sameeyeen deegaanka Duwaaray oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobalka Bay.

Dadka laga soo bad baadiyay Al-Shabaab ayaa soo dhaweeyay talaabada ciidanka Booliska Gaar ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo mudooyinkaan waday howlgalo ka dhan aha Al-shabaab.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay