Dhageyso: Wasiir Diini: “Uma dulqaadan doono in Ururka Daacish uu ku xoogeysto Dalka Soomaaliya”

0
252

Muqdisho (INO)—Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay mar uu la hadlayay VOA laanteeda Afka Soomaaliga in Xukuumadda Soomaaliya marnaba aysan aqbali doonin in Dagaal yahanada Taabacsan Ururka Daacish ay ku soo xoogeystaan Soomaaliya.

Mr. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in Soomaaliya aysan noqon doonin meel lagu tijaabiyo waxa uu ugu yaaray qanwadayaashii Argagixisada isagoona carabka ku dhuftay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladduba ay heegan uga jiraan ka hortaga Kooxaha taageersan Ururka Daacish

Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxuu hoosta ka xariiqay in guulo la taaban karo ay Ciidamada Dowladda ka gaareen Dagaalladii ay la galeen Xarakada Al Shabaab islamarkaana ay ka saareen Degaano iyo Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolada Dalka.

Dhawaan ayee aheyd markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay baahiyeen in ay go’een Shabakadda Al Shabaab eek u xiran Ururweynaha Al Qaacid iyagoona sheegay in ay ku biireen Kooxda Daacish oo ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria.

Halkan Ka Dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here