Muqdisho (INO)—Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ceynte ayaa sheegay in qorshaha Qaranka barnaamijka Qaranka uusan aheyn Wasaarada Qorsheynta balse uu yahay Marxaladaha Dalka mid looga hadlayo.
Mr. Ceynte ayaa waxuu qeexay in tiro koobyo badan ay ka hayaan tirooyinka Dad, Maamul Goboleedyada iyo Miisaaniyadooda iyo arimo kale oo dhamaanba ah xog ku salka ku heysa wada tashiga sida uu yiri.
Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in wadatashiga ay sameenayaan maamul Goboleedyada Dalka ka jira ee la xiriira qorshaha Qaranka ee la doonayo in hore loogu dhaqaajiyo howlaha Qaranka iyo horumarka ay Dowlada hiigsaneyso si wax walba Nidaamka loogu saleeyo.
Hadalkan ayaa Wasiirka Qorsheynta waxuu ka jeediyay Kulan looga hadlayay qorshaha Qaranka oo ka furmay Magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho