Bardaale(INO)-Ku: Guddoomiyaha Degmada Berdaale Berdaale
Ku: Guddoomiye ku xigeenka Amniga Berdaale
Ku: Guddoomiye kuxigeenka Maaliyada Berdaale
Ku: Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Berdaale
Ku: Xoghayaha dowladda hoose ee degmada baydhabo Berdaale
Og: Guddoomiyaha Gobolka Baay Baydhabo
Og: Taliyaha Booliska Qeybta Gobalka Baay Baydhabo
Og: Taliyaha booliska qeybta guud ee k/Galbeed somaliya Baydhabo
Og. AgaasimahaNabad sugidda K/Galbeed Somaliya Baydhabo
Og: Taliyaha Milatariga qeybta 60-aad Baydhabo
Og. Taliyaha AMISOM { sector 3} Baydhabo
Og: Wasiir ku xigeenka Wassaradda Arrimaha Gudaha Baydhabo
Og: Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Baydhabo
Og: Wasaaradda Amniga K/Galbeed Somaliya Baydhabo
Og: Wasaaradda Maaliyadda K/Galbeed Soomaaliya Baydhabo
UJEEDO: Wareegto magacaabis maamulka Degmada Berdaale,
Kadib markii aan arkay baahida deg degga ah ee loo qabo in la helo maamul cusub oo ku meel gaar ah oo jiri doono muddo lix (6) bilood ah laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 11/08/2015, dhageysteyna fikradaha bulshada ku nool degmada Berdaale lana tashtey Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden, Xillibaanada, Masuuliyiinta, Waxgaradka iyo Dhaqanka ka soo Jeeda Degmada Berdaale isla markaana aan garwaaqsaday kuna qancay in loo baahanyahay maamul cusub oo ay yeelato Degmada Berdaale kuwaaso aqoon iyo waayo aragnimo u leh Xilalka loo magacaabayo ayaan go’aansaday inaan magacaabo mudanayaasha magacyadooda hoos ku xusan:
Weedow Caliyow Xasan Guddoomiyaha Degmada Berdaale
Cali Cadow Isaaq G/ku xigeenka Aamniga & Siyaasadda
Xasan Maxamed Akow G/ku xigeenka Maaliyadda
Xasan Adan Mukhtaar G/ku xigeenka Arrimaha Bulshada
Nuunow Cabdiraxmaan Tubey Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Berdaale
Xasan Abshir Cali Xisaabiyaha Degmada
Xasan Macallin Isaaq Qasnajiga Degmada
Haddaba maamulka cusub ee Degmada Berdaale waxaa la farayaa in ay waajibaadkooda u gutaan si hufan oo maamul wanaag ku dheehanyahay.
Sidoo kale dhamaan hay’adaha sida tooska ah ay u khusayso wareegtadan iyo kuwa ogeysiinta ku leh waxaa la ogeysiinayaa in ay la shaqeeyaan Maamulka cusub ee Degmada Berdaale gacanna ku siiyaan shaqadooda.
Wada shaqeyn wacan
Mahadsanidiin
ABDIRAHMAN IBRAHIM ADAN (SATE)
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE
Idale News Online, Bardaale