Wasaarada Maaliyada oo bilaabaysa qadista Canshuuraha

0
238

Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta Soomaaliya  ayaa sheegtay in ay deg deg ubilaaban doonaan qaadista canshuuraha bariga kadib markii maanta lasoo gabagabeeyay aqoon isweydaarsi socoday muddo shan maalmood ah oo looga hadlayay  habka qaadista canshuurha Qaranka.

Aqoon isweydaarsigan socday mudada shanta maalmood ah oo  kasocday hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayay habka canshuuraha Qaranka iyo sida loo bilabilahaa qaadistooda.

Guddoomiyaha xarun goboleedka  hogaaminta iyo horumarinta Cabdi Shire Warsame oo ay xaruntiisu soo qabanqaabisay doodan ayaa tilmaamay in dadkii ka qeyb galay ay ka faa’ideen.

Wasiir dowlaha wasaradda maaliyada iyo qorsheynta Maxamed Rashiid Sheekh Daahir oo sooxiray aqoon isweydaarsigan ayaa sheegay in ay muhiimtahay bixinta casnhuurta si waxloogu qabto dalka iyo dadka isagoo xusay ineysan horumarikarin bulsho aan canshuurbixin.

dadkii ka qeybgalay mudada shanta maalmood ah ee uu aqoon isweydaarsigani socday ayaa iskuraacay sida loogu baahanyahay in dalka laga bilaabo qaadista canshuuraha maadama ay dowladda Soomaaliya hanatay amniga dalka.

Idale News Muqdisho