Wasaarada Gaadiidka iyo Garoomada KGS Oo Maanta Bilowdey Bixinta Taargooyinka Gawaarida

0
284

Baydhabo( INO) –Wasaaradda Gaadiidka iyo Garoomada Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Bilowdey Bixinta Taagooyin Gawaarida.

Munaasabad laga shaacinayey ayaa waxay ka dhacdey magaalada Baydhabo ee xaruta Gobolka Bay, waxaa ka qiib galey wasiiro ka tirsan Dowlada KG Soomaaliya, Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Baydhabo.

Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Garoomada Ee KG Soomaaliya C/laahi Aadan Black ayaa sheegey in maanta si toos ah ay u bilowdey wasaaradiisu bixin taargooyinka Gawaarida Ee Koonfur Galbeeed Soomaliya, isla markaana waxa uu xusey in dadaalkan ay wadeen Wasaarada iyo Shirka Galeyr.

“ Wasaaradda Maanta waxay si toos ah u daah fureysa bixinta taargooyinka Baabuurta, waxaana qaadan doona dhamaan Garaawida ka shaqeeya  Degaanada KG Soomaaliya, Baabuurta ka tageyso Degaanada KGS oo wataan Taargadani, waxay si caadi ah u galayaan Muqdisho” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiirka wasaaarada  arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee KG Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aaden Sate,ayaa wax wanaagsan ku tilmaamey Barnaamjka ay wado wasaaradda isla markaana astaan u tahay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“ Shirkada Galeyr iyo wasaaradu way ku mahadsan yihiin dardar galinta shaqada, sharciga Buubuurta in la dhaqan galiyo waxay ka qiib qaadaneysa sugida amaanka iyo dhowrista sharciga Baabuurta“ ayuu yiri C/raxmaan Ibrahim Aaden Sate.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa wasiirka wasaarada gaadiidka waxaa uu wasiirada kale uu gudoonsiiyey Taargooyinkii ay gaadiidkooda ku xiran lahaayeen.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Baashaa@www.idalenews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here