Wasiirka wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa amar deg deg ah u bixisey in dhamaan diplomaasiyiinta ka shaqeeya safaaradaha Soomaaliya ee dalalka dunida ay muddo gaaban gudahood ku soo galaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Talaabadaas ayaa ka dambeysey markii isbedel uu ku yimid dhamaan hay’adaha dowlada oo sheegey in ay ka dhabeynayaa isbedelka siyaasadeed ee ay balanqaadeen madaxda ku guuleysatey doorashadii dalka ka dhacdey.
Wasiirada Arrimaha dibada Fowsiya Xaaji Yuusuf ayaa sheegtey in diplaasiyiinta loogu yeerey wadatashi iyo in dib loo eego waxqabadka safaarad kastaa mudadii ay xilka hayeen, waxaysa wasiiradu sheegtey ineysan jiri doono isla xisaabtan la’aan iyo iska war_hayn dambe oo wasaarada arrimaha dibada iyo safaaradaha dowlada Somalia ku leedahay dalalka shisheeye dhex mara, isla mar ahaantaana diplomaasi kastaa lagu abaalmariyo howsha uu qaranka iyo ummada Soomaaliyeed u haayo.
Warar hoose ayaa sheegaaya in diplomaasiyiin badan oo ay xilkooda waayi doono sababo la xiriiro muddada dheer ee ay xilkaasi haayeen sababo lagu sheegey in sharciga diplomaasiyadeed ee qaranka u yaala ee ah in diblamaasigu in ka badan 4 sano uusan joogi karo safaarad qura. Sidoo kale waxaa jira isbedel isku shaandheeyn iyo xil ka qaadis lagu sameynaayo qaar ka mid safaarada dibada in ay qeyb ka tahay u yeerista diblamaasiyiinta Somlia ee safaarada dibada.
Wasaarada arrimaha dibada ayaa dhowaan u magacowdey guddi ka kooban 10 xubnood kuwaasoo howshoodu tahay iney dib u eegis iyo xog uruurin ku sameeyaan howlaha Safaarada Soomaaliya ee dibada, ka dibna warbixinta iyo baarista howshooda u gudbiyaan wasiirka wasaarada arrimaha dibada iyo madaxda sare ee dowlada si talada guddiga ay meel isula dhigaan.
Idale News Muqdisho.