Warxasaasi ah:Qabaa’illo Soomaaliyeed oo ku heshiiyay in qofkii ruux dila la dilo

0
220

Kadib todobaadyo ay socdeen wada hadallo ayaa gobolka Sanaag waxaa lagu saxiixay heshiis nabadeed oo u dhaxeeya laba beelood oo ay horey colaadi uga dhaxeysay.

Heshiiskan waxaa looga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa dilalka aargoosiga ah ee u dhaxeeyay beelahan.

Labadan beelood ayaa ku heshiiyay in dil lagu xukumo qofkii lagu helo dambi ah in uu geystay dil aargoosi ah, ama wuxuu qoyska qofkaasi bixinayaa Boqol Kun oo Dollar oo ganaax ah, Colaadda labada beelood dhex taallay ayaa ahayd mid muddo dheer jiitamaysay.

Mas’uuliyiinta jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland gaar ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Maxamed Axmed Kaahin ayaa gar wadeen ka ah heshiiskan.