Wariye Maxali ah Meydkiisa laga helay Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho

0
229

Wariye lagu magacaabi jirey C/raxmaan Maxamed Cali oo ka tirsan wariyaasha ka shaqeeya magaalada caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaa shabakada wararka ee ciyaaraha.com ayaa  galabta meydkiisa laga helay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huruwaa ee magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto sababta loo dilay wariyahan, mana jirto cid sheegatay dilka wariye C/raxmaan.

 Dilka wariyahaan ayaa u muuqdey in jirdil loo geystey isla markaasna la sheegay in uu ka qoorta ka qalnaa markii la arkaayay, laakiin ehelada wariyaha la diley ayaa  dadka waxa ay lee yihiin waxa uu halkaas u aaday in uu soo booqdo dad ehalkiisa ah oo halkaas ku noolaa. Ciidanka Amniga ayaa yimid goobka laga helay meydka wareiye C/raxmaan Maxamed Cali

Waa wariyihii shannaad ee lagu dilo Muqdisho muddo toddobaad ah, iyadoo qaar ka mid ah lagu diley is-qarxin ka dhacday maqaayad ama baar Village oo ku yaala  guriga haweenka ee magaalada Muqidisho kuwaasoo gaaraayey ilaa seddax wariye. Sannadkan 2012-ka waa sannadkii wariyaasha ugu badan lagu dilay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Soomaaliya waxa ay ugu horreysaa wadamada lagu dhibaateeyo saxaafadda iyo suxufiga, mana jirto cid loo soo qabto dilalka suxufiyiinta ee ka dhaca dalka.

Idale News Muqdisho  idalenews@yahoo.com