Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan inay socoto qabanqaabada Furitaanka Shirka wada xaajoodka ee Dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland ee ka arimiya Gobaladda W/Galbeed ee Dalka Somalia.
Kulanka ayaa lagu wadaa inuu galinka dambe ee maanta oo Jimcaha ka furmo Magaaladda Istanbul, iyadoo Dhinacyada ay si gooni gooni ah uga tashanayaan Ajandooyinka looga hadli doono Shirkaas.
Dowladda Turkiga oo marti galineyso wufuudaas ayaa horay u sheegtay in midnimada Dalka Somalia tahay mid muqadas ah, isla markaana ay aqoonsan tahay Somalia oo mideysan.
Dhinaca kale, Saxaafadda Dalka Turkiga ayaa ka gaabsatay inay wax ka qoraan kulanka Istanbul, iyadoo Maamulka Somaliland ka dacwootay mid ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Dalka Turkiga oo horay wax uga qoray Safarkii fashilmay ee Silaanyo oo uu ku tagay Dalkaasi.
Wargeyskaasi oo lagu magacaabo Today’s Zaman, ayaa horay falanqeyn ugu sameeyay kulan uu Silaanyo ku doonayay inuu kula kulmo Ra’isul wasaare Erdugan, kaasi oo la baajiyay.
Dadka ku nool Gobolada W/Galbeed Somalia ayaa ka carooday guul darada Diplomaasiyadeed ee uu Silaanyo horay ugu turunturooday qaabilaad la’aantaas.
Si kastaba ha ahaatee, Kulanka Dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa laga fileynin inuu guul ku dhamaado, iyadoona ay Dowladda Somalia wax muhiimad ah siineynin kulankaasi, kana soo horjeedo in Gobalada W/Galbeed Somaliya ka go’aan Qaranka Somaliya.
Idale News Muqdisho