Warbxin:Tilmaamaha Hab-raaca hannaanka doorashooyinka dalka ee Sannadka 2016-ka

0
203

Muqdihso(INO) — Madasha wada-tashiga Qaran ee dalka ayaa soo saaray bayaan sharraxaya tilmaamaha hab-raaca loo marayo doorashada ka dhacaysa dalka sannadka 2016-ka, iyadoo bayaanku uu u qornaa sidan;

Iyadoo la eegayo xaaladda ka jirta Soomaaliya, ayaa Dowladda Somalia iyo baarlamaanka federaalka ay si wadajir ah ugu dhawaaqeen, 28-kii bishii July 2015-ka in doorasho qof iyo codkiisa ah aysan ka dhici karin, sida ku cad Dastuurka Federaalka Ku-Meelgaarka ah.

Madaxweynaha, xukuumadda, barlamaanka iyo madaxda dawlad-goboleedyada, maaamul-goboleedyada KMG-ka ah iyo bulshada rayidka ayaa isku raacay Mabaadi’ Tilmaameed ee lagu meel-mariyay shirkii madasha iskaashiga ee heerka sare ee ka dhacay Muqdisho 28-kii illaa 30-kii July ee sannadkan 2015-ka. Mabaadi’da Tilmaadeedkaas oo ujeedaddeedu tahay in geeddi socodka doorashada sannadka 2016 uu soo bandhigo hab sharcinimadiisu sarreyso iyada oo loo marayo hab salballaaran, oo ku saleysan geedi-socod loo dhanyahay, kaas oo wada metelaya bulshada Soomaaliyeed.

Habka wada-tashiga ah wuxuu u ogolaanayaa shacabka Soomaaliyeed fursad ay si wadajir ah ugu fekeraan, uguna gaaraan go’aan ay u wada dhan yihiin oo khuseeya sidii loo qaban lahaa doorashada 2016ka. Geeddi-socodkan waxaa loo qaabeeyay in uu ahaado mid loo dhan yahay oo isu keenaya aragtiyo kala gedisan oo ka imanaya dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo la eegayo Hiigsiga Cusub iyo Aragtiga 2016 oo dhiiri gelinaya ka wada qaybgalka, waxaa muhiim ah in ay geeddi-socodka ka qaybgalaan haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay. Talooyinka ka soo baxa waxay ka tarjumayaan danta iyo dareenka dadka Soomaaliyeed. Taas oo ku saleysan sidii lagu heli lahaa ka qaybgal siyaasadeed ee loo wada dhan yahay, ka dibna lagu dhiso bulsho nabad ah.

CUTUBKA KOOWAAD:

Mabaadi’da Wax-hagta – Geedi-socodka Doorashada Sannadka 2016-ka;

1. Waa in uu muujiyo“sharciyad sarreysa” oo loo maray hannaan ballaaran oo loo wada dhanyahay oo ay isla ogolaadeen Dawlad goboleedyada xubnaha ah ee hadda jiro iyo kuwa samaysmaya, waana in uu xaqiijiyo natiijo ay iska dhex aragto bulshada Soomaaliyeed ee maanta (dadka iyo deegaanka intaba) ayada oo xubnaha bulshaduna ay ku heshiiyeen hab-raac cad oo ay isla meel dhigeen.

2. Waa in uu la jaan-qaado dar-dar gelinta dastuurka KMG ah ee dalka.

3. Waa inuu kor u qaado oo uu xaqiijiyo ka qayb-galka haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay.

4. Waa in uu dhiiri-geliyaa ka-qayb qaadashada axsaabta siyaasadeed hadba heerka uu u ogolaanayo nidaamka Axsaabta Siyaasadeed.

5. Waa in uu kor u qaadaa midnimo qaran, ilaa iyo intii suurto gal 
ahna, uu hannaan midaysan (ka hir-geliyaa) dhamaan gobolada.

6. Waa inuu noqdaa mid xaqiiqada ku qotoma marka loo eego 
dhaqaalaha la heli karo, tayada farsamo, iyo ammaanka.

7. Waa in uu noqdaa mid daah furan, isla xisaabtan leh oo kor u qaada kalsoonida dadweynaha.

8. Waa in uu xambaarsanyahay hannaan ku haboon oo loo mari karo cabashooyinka iyo dacwadaha.

9. Waa in uu si buuxdo u tixgeliyaa sida loo doonayo in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed uu u noqdo mid ka turjumaya oo u taagan midnimada dhulka Soomaaliya.

10. Waa in aysan wax yeello ka imaanin, sida dhiri-gelinta dhaq-dhaqaayo ay ka dhalan karaan hurinta colaado ama wiiqid la wiiqayo horumarada ilaa iyo hadda laga gaaray geedi-socodka dimoqoraadiyaynta iyo dhismaha dowladda.

HALKAN; kasoo Rogo Qodobada kale ee hab-raaca doorashooyinka Dalka;

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here