Warbixin: Shir looga hadli doono Higsiga 2016 oo dhamaadka Bishaan ka furmi doona Muqdisho

0
205

Muqdisho (INO) – Warar laga kalsoon yahay oo ay heshay shabakada wararka ee Idale News Online ayaa sheegaaya in magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shir ay ka soo qeyb-gali doonaan dhamaan dhinacyada Soomaalida ay quseyso, Qaramada Midoobey iyo wadamada daneeya arrimaha siyaasada Soomaaliya.

Shirkaani ayaa lagu wadaa in uu furmo bishaan July ee aynu ku jirno 27 keeda waxa uuna socon doonaa muddo 3 cisho ah. kulankaani ayaa daba socda shirar hore Muqdisho loogu qabtey oo looga hadlaayey arrimaha Higsiga iyo marxlada kala guurka iyo Barnaamijka 2016.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaan diirada lagu saari doono ayaa waxaa ka mid ah marxalidhii ugu dambeeyey ee siyaasadeed ee dalka iyo weliba sida loo baajin karo awood korarsi ay sameystaan goleyaasha dowlada iyo barlamaanka.

Xildhibaano tiradooda lagu qiyaasey 70 xubnood oo kulan dhowaan la yeeshey gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Jawaari, ayaa sheegay in dhankooda aysan aqbaleyn waxa aan aheyn in la helo barlamaankaan barlamaan bedela oo si xor ah dadku u soo doortaan. taas oo ay adag tahay xiligaan in Somalia loo qabto doorashada, dadka Soomaaliyeedna ay doorasho u dareeraan.

Dhanka kale ergiga gaar ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay oo maalmihii ugu dambeeysay waday dadaalo uu ku doonaayo hergalinta Isbedelka siyaasadeed ee qaramada midoobey rabto marka la gaaro sanada 2016 ayaa wakiilku uu ku soo bandhigi doono shirka 27 July ka furmi doona Muqdisho, waxaa qaramada midoobey ay quudareyneysaa in la helo wakiilo gaaraaya ilaa 2000 qof oo qeybaha kala duwan ee Soomaalida laga kala keenay una badan duqowda dhaqanka Soomaalida kuwaasoo yeelan doona awood soo xulista iyo doorashada xildhibaanada marka la gaaro 2016. Waxuuna Mr Kay uu ka soo horjeedaa in barlamaankaan hadda jira lagu bedelo barlamaan la soo doortay, taasi uuu arko mid aan suurtagal aheyn hase ahaatee muddo korarsi uu sameysto barlamaanka haddii codsigooda la meel mariyo ayaa ah cabsida ugu weyn ee Qaramada Midoobey ay qabto taaso haddii ay dhacdo laga yaabo in Madaxweynaha iyo gudoonka sare ee barlamaankuna xilkooda kororsadaan.

Shirkaan 27-29 July ka dhici doona magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan dowlada federaalka, madaxda maamul goboleedyada dowlada federaalku aqoonsan tahay iyo weliba wadamada deeqdaha bixiya. Waxaanan weli la hubin ka soo qeybgalka Puntland iyo Jubaland oo iyagu khilaaf kala dhexeeyo Maamulka cusub ee GalMudug oo ka qeyb noqon doona shirka.

Idale News Online. Muqdisho