Muqdisho (INO) – Waxaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho si weyn looga dareemay loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ah saaxiibka ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya iyo Fahad Yaasiin oo isku heesta kursiga ee Beeshooda ka heleyso Baarlamaanka cusub.
Faarax C/Qaadir ayaa la sheegay in uu lumiyya kalsoonidii iyo taageeradii uu ka heestay Odayasaha Beeshiisa, waxa ayna taasi keentay in Odayaasha dhaqanka iyo dadka Siyaasada ku lugta leh ee beeshaasi ay kursigaasi la doonaan Fahad Yaasiin oo horey uga tirsanaa TVGA Aljazeera.
Loolanka Siyaasdeed ee u dhaxeeya Faarax C/Qaadir iyo Fahad Yaasiin oo si hoose loo xalin waayay ayaa markii dambe gaartay Hogaamiyaasha Madasha Wadatasahiga Qaran oo arintan shir qarsoodi ah ka yeeshay xalna uraadiyay sidii uu Faarax kusoo laaban lahaa.
Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka, R/Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulan qarsoodi ah ka yeeshay culeeska saaran Faarax oo halis gashay in uu markale kasoo mid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnahan katirsan Hogaanka Madasha Wadatsahiga Qaran ayaa isku raacay in la sameeyo Nabadoon cusub ay yeelato Beesha Reer Aw-xasan si uu Xildhibaan uga dhigo Faarax C/Qaadir maadama Suldaanka Beeshaasi ee ku jiray liiska 135-ta oaday uu diiday in Faarax Xildhibaan ka dhigo.
Waxa ay isku raaceen Xubnahan madasha katirsan in Suldaankii hore ee Beesha Reer Aw-Xasan kaliya soo xulo xubno beeshaasi kaga soo aadeysa dhinaca Koonfur Galbeed, halka Nabadoonka cusubna uu isna kasoo xulayo Hiiraan iyo Sh/Dhaxe si Faarax uu halkasai uga soo galo.
Warbaahinta IdaleNews.com ayaa heshay Warqad kasoo baxday Gudoomiyaha Baarlamaaka oo ku socota Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka laguna sheegayo in lagu soo daray Odayaasha Nabadoon cusub oo kasoo jeeda Beesha Reer Aw Xasan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo saxaiib dhaw la ah Faarax ayaa la sheegay in uu arintan kaalin weyn ku leeyahay, waxaana halis galeysa kursiga Madaxweynaha hadii uusan Faarax kamid noqon Baarlamaanka cusub sida ay sheegayaan xubnaha siyaasada falanqeeya.
Arintan ayaa imaaneya kadib markii Suldaanka Guud ee Beesha Reer Aw-Xasan uu si cad u sheegay in Faarax uusan mataleyn beeshooda ayna rabaan Fahad Yaasiin, waxa uua Nbadoonka diiday in uu saxiixo ergo uu soo qortay Faarax C/Qaadir.