Wararka laga helayo isbitaalka Aga khan ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in xaalada caafimaad ee xildhibaan Yuusuf Xasan ay hada tahay mid dagan iyadoo lagu soo waramayo in saaka qaliin lagaga sameeyay labada lugood oo uu burbur kasoo gaadhay qaraxii.
Wararku waxay intaas ku darayaan in xildhibaanka la kabay in mudo ahna uu kusii jiri doono isbitaalka iyadoo dadka ree Islii loogu baaqay inaysan soo booqanin xildhibaanka xaalado amni dartood.
Xildhibaanka iyo ku dhowaad tobaneeyo ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay qarax xalay lala beegsaday afaafka hore ee Masjidul hidaaya oo xiligaa uu ku sugnaa xildhibaanku.Qaraxan ayaa waxaa ku nafwaayay 5 ruux oo qaar kamid ah ay yihiin caruur da’doodu ka yartahay 10 jir.
Idale News Nairobi, Kenya