Dagaal aad u culus oo la isu adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka soconaaya guud ahaan wadooyinka soo gala magaalada xeebta ay ku xoogga badan yihiin Xarakada Alshabaab ee Kismaayo.
Dagaalkaas oo ay ciidamada huwanta oo isugu jira Kenya, Ciidamada dowlada iyo Raaskambooni saakey waaberigii kaga soo qaadeen magaalada Kismaayo dhanka Badda, ayaa adeegsanaayo diyaarado dagaal, Airo Kabtaro iyo maraakiibtooda dagaalka. Ciidamada Kenya oo dagaalka saakey ku soo qaadey degmada Kismaayo ayaa ciidamo badan kaga soo daabuley dhanka xeebta dekada Magaalada Kismaayo taasoo keentey in uu dagaalka soo gaarey daafaha magaalo maadaxda gobalka Jubadda Hoose ee Kismaayo.
Sidoo kale, dagaalka maanta waxuu kaloo ka bilowday jidka dhanka galbeed kaga aadan magaalada Kismaayo, gaar ahaan jiida dagaalka cishooyinkii dambe labada dhinac dagaalka ku dhex maraayey oo ah halka lagu magacaabo Janaay Cabdalla.
Warar xaqiiq ah oo aan ka helayno ilo wareedyo ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaaya in Xarakada Alshabaab ay dib u gurasho ka sameeyeen Janaay Cabdalla, waxayna xoogooda isugu keeneen daafaha iyo gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamadii huwantana ay bilaabeen iney dhanka galbeed kaga soo dhawaadeen magaalada Kismaayo, waxayna hadda u jiraan qiyaastii wax yar 30 KM, waxayna hadda ku sugan yihiin Tuulo lagu magacaabo Canjeel.
Maraakiib iyo Diyaarado dagaal oo ciidamada Kenya leeyihiin ayaa la sheegayaa in ay ciidamo iyo saanad militeri dhanka koonfureed geeyeen gaar ahaan Goobweyn oo ah halka ay Badwaynta Hindiya iyo Webiga Jubba isaga daraan, iyadoo ujeedkoodu ciidanka halkaas loo geeyey tahay in ay magaalada Kismaayo ka go’doomiyaan dhamaan wadooyinka soo gala, si ay u yareeyaan sahayda iyo ciidamada gurmadka ah ee Xarakada ka heleyso deegaanada ku dhow dhow gobalka Jubbada Hoose
Galabta ayaa diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeeyeen Xaafad ka tirsan Kismaayo oo lagu magacaabo Buulo Abliko, halkaasoo dhowr madfac ku dhaceen, waxaa la soo wariyay dhaawacyada saddex ruux rayid ah oo la geeyay Isbitaalada.
Magaalada Kismaayo ayaa degan, welina waxaa hawada ku jira idaacadii Andulus ee Xarakada Al-Shabaab, masuuliyiin ka hadasheyna waxay sheegeen in magaalada lagu soo dhawaadey balse ay difaacayaan.
Dhanka kale, Sheekh Axmed Madoobe oo hogaamiye kooxda Raskambooni ayaa sheegey in ay doonayaan in ay go’doomiyaan magaalo xeebeedka Kismaayo ka hor inta aysan gudaha u gelin, waxuuna sheegey in ciidamooda (Raskambooni, kuwa Kenya, Kuwa Dowladda Federaalka Somalia) ay ku sugan yihiin meelo aad ugu dhow magaalada ayna qorsheynayaan in dhowaan si buuxda ay ula wareegaan.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa cabsi aad u weyn ka qaba in dushooda lagu dagaalamo, sida muuqata aysan hureyn in dushooda lagu dagaalamo maadaama Xarakada Alshabaab horey u sheegeen in dhiig badan ku daadan doono qabsashada magaalada ugu weyn ee ku hartey gacantooda.
Lama oga sida xaalka magaalada Kismaayo meesha uu caga dhigan doono, waxaana jira xurguf hoose oo aan kaliya u dhaxeyn ciidamada dowlada ee hadda wadajira oo qolo walba ajande gooni ah leh balse aragtida masuuliyiinta dowladda federaalka ayaa iyada ah caqab kale oo magaalada Kismaayo la kulmi doonto
Magaalada Kismaayo ayaa soo martey marxalo ka duwan iyo dagaalo marba qolo la wareegeysey maamulka magaalada, balse la arki doono sida ay dowladda federaalka Somalia, ciidamada Kenya oo hoostaga AMISON iyo weliba dadka deegaanka sida ay isula jaanqaadaan marka xaalada amni daro ee halkaas ka jira dhinac u dhacdo.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Idalenews@yahoo.com