Dhageyso: Bilowga Khilaafka Jubooyinka ee dhinacyada Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubooyinka

0
199

Mar uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagey gobalka Hiiraan caasimadiisa Baledweyn ayaa markii uu ka hadlayay magaalada Kismaayo wuxuu madaxweynuhu sheegay in Dowladu rabto in maamul shibil ah oo rasmi ah oo dadka Jubooyinka wakiil ka ah meesha ka samaysmo wuxuuna sidoo kale xusay inuu rabo in Dowlada dhexe ee Somalia ay yeelato dowrka hogaaminta maamul sameynta mardhowna maamul loo sameyn doono deeganadaas.

Dhageyso Markii uu madaxweynaha ka hadlaaya Kismaayo:[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/11/XasanMdKismaayo.mp3]

Dhinaca kale mar uu dadka ree Baledweyne uu kala hadlayey maamul usameynta magaalada Baledweyne ayuu madaxweynuhu sidan yidhi. [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/11/XasanMdBaledweyn.mp3]

Ka dib waxaa magaalada Kismaayo booqdey wafdi ka socda urur gobaleedka IGAD, waxaana booqashadooda ka dib saxaafada ka hadley afhayeenka ciidanka dowladda federaalka ee Jubooyinka Max’ed Daahir Faarax oo hadalo kulul saxaafada u jeediyey: [audio:http://www.allgedo.com/newswire/wp-content/uploads/2012/10/Afhayeenka-Jubooyinka.mp3]

Ka dib waxaa magaalada gaarey wafdi dowlada ka socda oo uu hogaaminaayo wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xuseen Carab ciise iyo Taliyaha Xoogga Dalka Somalia Jen Diini, waxaana jirta in xiligaas la isla soo qaadey in wada hadalada 2da dhinac la wado laakiin waxaa taasi meesha ka saarey khilaaf hoose oo ka dhashey dhoofinta dhuxusha oo ugu dambeyntii gaarey in wafdi madaxweyne xasan u direy Kismaayo dib loogu soo celiyo Muqdisho iyaga oo aan loo ogolaan in ay gudaha u galaan Degmada Kismaayo.

Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com