Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Madaxtinimada Mareykanka oo labo maalmood ka haray

0
197

New York(INO)— Labo maalmood ayaa ka haray doorashada Madaxtinimada Mareykanka, iyadoo diyaar garowgii u dambeeyay ee ololahooda ay ku jiraan Musharaxiinta kala ah Hillary Rodham Clinton iyo Donald Trump.

8-da bisha November oo ku beegan Maalinta Talaadada ayay dadka Mareykanka u dareeri doonaan goobaha cod bixinta, si ay ugu kala codeeyaan Hillary Clinton iyo Donald Trump.

Labada Musharax ayaa ololahooda u dambeeyay waxay ka wadaan qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka, oo ay taageerayaashooda kula hadlayaan, kana dalbanayaan inay codkooda siiyaan.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa taageerayaashiisa kula hadlay gobollada North Carolina, Florida, Colorado iyo Nevada, sidoo kale waxaa uu ololihiisa ku soo gaba gabeynayaa Gobolka Minnesota.

Sidoo kale Musharaxa kale ee Xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton ayaa iyana waqtigeeda ugu badan gelisay Gobolka Florida oo ah gobol caan ku ah inuu go’aan ka gaaro doorashooyinka Madaxtinimada Mareykanka.

Hillary Clinton ayaa weydiisaneysa dadka Mareykanka weydiisaneysa inay codkooda siiyaan, isla markaana taariikh cusub ay u qoraan Mareykanka.

Doorashada Madaxtinimada Mareykanka ayaa markii u horeysay waxaa u tartameysa Haweeney, sidoo kale Musharaxa kale Donald Trump ayaa isagana ah nin aan waligiis siyaasada ku soo jirin, balse ah Ganacsade maalqabeen ah.