Wararkii ugu dambeeyay ciidamada Jubbaland iyo AMISOM oo la wareegay Deegaanka Beerxaano

0
563

Kismaayo(INO)- Xaalada deegaanka Beerxaano ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa saaka degan kadib markii ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Ciidanka ayaa la sheegay inay Shabaab ka qabsadeen deegaanka, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Somaliyed ee SONNA, kadib markii howlgal qorsheysan ciidamada ay qaadeen.

Wakaalada Wararka SONNA oo soo xiganaysa Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa waxa ay sheegtay in Deegaanka Beerxaano Shabaab ay u ahaan jirtay Saldhig weyn oo hubka ay Shabaabka ku kaydsadaan.

Saraakiil ciidamada Dowladda ka tirsan ayaa sheegay markii ay gaareen deegaankaasi inay kulan la qaateen Dadka Deegaanka ayna kala hadleen sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka, bulshadana ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamada Deegaanka qabsaday.

Deegaanka Beerxaano oo duleedka Magaalada Kismaayo ku yaal, waxaa muddo ku sugnaa oo maamulaayay Ururka Al Shabaab, balse hada ciidamada Huwanta ayaa ku sugan.

Ciidamada Amisom iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe waxa ay wadeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayeen inay ku gaaraan deeganada Shabaabka ay ka maamulaan ee Gobolka Jubbada hoose.

Ugu dambeyntii, Al-Shabaab kama aysan hadlin deegaankan ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda gacantooda soo galay.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.