Wararkii ugu dambeeyay Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo Degmada Qoryooley ku sii jeeda, xilli Al Shabaab ay ka guraneyso

0
244

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamada Midowga Afika ee Amisom, ayaa waxay ku sii jeedaan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom ayaa waxay caawa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ballaaran ay ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna ujeedkoodu uu yahay inay gacanta ku dhigaan Degmada Qoryooley.

Ciidan xoogan oo ka kala yimid Degmooyinka Afgooye iyo Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay galabta soo gaareyn Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saacadaha soo socda ilaa Khamiista berito ah ayaa waxaa suura gal ah in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay gaaraan Degmada Qoryooley, sida ay ka dhawaajiyeen Saraakiisha Dowladda.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Dr. C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa wuxuu sheegay inay awood kula wareegayaan Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhan, iska daayee qeybo ka mid ah, sida uu xusay.

Al Shabaab ayaa waxay bilowday inay xoogeeda iskaga gurato Degmada Qoryooley, oo ay ka arrimineysay shantii sano ee la soo dhaafay.

Idale News Muqdisho